Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Guddida Fulinta ee Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage (HIPS), waxaa agaasimaha cusub ee Heritage loo magacaabay Mursal Maxamuud Saney oo hore u ahaa agaasime ku xigeenka Machadka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kala gooni ah uga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, iyada oo ku baaqan in laga qeybgalo hawlgallada militari ee socda.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa baaq nabadeed kasoo saaray xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, isaga oo ku baaqay in 'wadahadal' lagu dhammeeyo colaadda.
War murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhuusomareeb ayaa ah mid gebi ahaanba go'aannadiisu ay ahaayeen in lagu garab istaago ciidamada dowladda howlgallada socda, xasilinta goobihii lagala wareegay Al-shabaab iyo in la dardargeliyo u diyaar garowga wejiga labaad.
Diblomaasiyiinta matalaya waddamada iyo ururrada caawiya Soomaaliya ayaa sheegay inay si adag u cambaareynayaan sii hurinta colaadda Laascaanood, oo ay ka mid yihiin wararka sheegaya in dagaalku ku fiday bannaanka magaalada, sida lagu sheegay war saxaafadeed ay soo saareen maanta.
Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka iyo maleeshiyada Al-shabaab ayaa ka socda deegaanka Cowsweyne oo qiyaastii 20 kiilo mitir u jira degmada Ceel-dheer ee gobolka Galguduud, sida ay VOA u xaqiijiyeen ilo amni oo ku sugan deegaanka.
Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug ka furmaya shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas diiaradda lagu saarayo 'amniga iyo dardar-galinta hawlgallada dalka looga ciribtirayo maleeshiyada Al-shabaab.'
27 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay 'hawlgal qorsheysan' oo ka dhacay Beerta Sheekhow oo 16 KM u jirta degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay werisay wakaaladda wararka ee dowladda Federaalka ee SONNA.
Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen kadib israsaasayn ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta magaalada Muqdisho iyo maleeshiyada Al-shabaab, kaas oo ka dhacay degmada Kaxda.
Dowladda Federeaalka ayaa sameysay numberro ay soo wici karaan xubnaha doonaya inay kasoo baxaan maleeshiyada Al-shabaab, sida lagu sheegay bayaan maanta kasoo baxay Xarunta cilmi-baarista iyo ka hortagga xargjirnimada ee Tubsan National Center.
Afhayeenkaa ciidanka booliska ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaal xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay ciidamada xaslinta Caasimadda iyo ciidan ka amar qaadanayay sarkaal hore oo ka tirsaan ciidanka xoogga dalka.
Dowladda Soomaaliyaa ayaa sheegtay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka ay dileen in ka badan 20 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgal ay ka fuliyeen deegaannka Cali Fuuto oo qiyaastii 35 KM u jira degmada Kuntuwaaray ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Hay'adda Taya-dhowrka Soomaaliya ayaa shahaado ku xirtay ganacsatada iyo shakhsiyaadka kale ee badeecada iyo alaabaha kale soogalinaya dalka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay hay'adaas.
Ra'iisul Wasaare dowladda Federaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa wasiirkii hore ee Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan.
Ciidamada xoogga dalka ayaa saakay la wareegay degmada Ruun niegood iyo deegaanka Hilowle Gaab ee gobolka Shabeelada Dhexe.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda Federaalka Mukhtaar Rooboow ayaa beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegay 'in la musuq-maasuqay' howlihii Xajka ee sannadkan.
Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda ee NISA ayaa sheegtay inay deegaanka Ceelasha-Biyaha ku qabatay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug waxaa ka socda diyaargaroowga soo dhaweynta madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida uu VOA u xaqiijiyay masuul ka tirsan maamulka Galmudug.
Kuwo kale