Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu maanta ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo dhowaan uu is-casilay madaxweynihii maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Barnaamijka Faaqidaadda waxa uu maanta ku saabsan khilaafka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada iyo arrimaha dastuuriga ah ee la isku hayo.
Maxay la macno tahay taageerada dowladda Soomaaliya ee Sacuudiga mase loo baahnaa xilligan. Waa qodobka aan barnaamijka faaqidaadda ee toddobaadka,
Barnaamijka Faaqidaadda waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay sanadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay qaraxii isgoyska Zoobe ee Muqdisho ee dhacay 14-kii October 2017
Barnaamijka faaqidaadda waxaan toddobaadkan ku eegeynaa saameynta go’aannada kasoo baxa shirka EPRDF ay ku yeelan karaan mustaqbalka gobolka Soomaalida ee dalka Ethiopia.
Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay xaaladda ammaanka magaalada Muqdisho, oo maalmihii dhowaa sii xumaaneysay.
Xiisadda Galmudug ayaa soo shaac baxday kadib markii guddoomiyaha baarlamanka iyo madaxweyne ku xigeenka diideen go’aanadii shirka Kismaayo ee uu wax kasoo saxiixay madaxweyne Xaaf.
Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay shirka toddobaadkan ka dhacay magaalada Kismaayo iyo madaxda maamul goboleedyada dalka, kaasi oo muujiyey mar kale in khilaaf uu ka dhex jiro dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
Ku soo dhawaada Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, oo aan maanta diiraadda ku saareyno in ciidamada Soomaaliya ay hadda u diyaarsan yihiin qaadidda howlgallo milatari oo culus iyo in ay amniga dalka kala wareegaan ciidamada AMISOM.
Ku soo dhawaada barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka oo aanu ku eegeyno hannaanka loo marayo shaqaaleysiinta dhallinyarada kunka ah ee uu ballan qaaday Reysal wasaare Kheyre in laga shaqaaleysiin doono gobolka Banaadir.
Ku soo dhawaada barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka oo aan diiradda ku saareyno is-baddalada ku yimid maamulka Soomaalida ee Itoobiya.
Kuwo kale