La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxeynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dawladda ay heleen hub culus oo ay u adeegsan doonaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Agaasimihii hore ee hay’adda socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa ka mid ah mas'uuliyiin ay dowladda ku eedeysay musuq-maasuq iyo xatooyo dadweyne.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan, Ali Jeyte Osman oo dhawaan xilka laga qaadey ayaa shaley magaalada Beled-Weyne ka sheegey, in madaxweyne loogu doortey kulan ka dhacay magaalada. Cali Jeyte ayaa sheegey in ay dadka reer Hiiraan xilkaasi u doorteen.
Fiqi waa mid ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida ee faro-ku-tiriska ah ee booqatay ciidanka Soomaalida ee lagu tababarayey dalka Eritrea.
Maxaweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa laga filayaa inuu dhowaan soo magacaabo Ra’iisal Wasaarihiisa cusub si ay dowladdiisa u sii amba qaaddo dardar gellinta xafiisyada iyo nidaamka dowliga ah ee dalka.
Safiirka dawladda Maraykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo inuu waddanka ku hoggaamiyo qaab wadar-ogol ah.
Mid ka mid ah wareysiyada faro ku tiriska ah ee uu Rooble bixiyay ayaa waxaa Muqdisho kula yeelatay Falastiin Axmed Iimaan oo VOA-da ka tirsan.
Cudurka COVID-19 oo ka mid ah cudurrada sida dhaqsiyaha leh ku faafa ayaa waxa la arkayey noocyo badan oo isbedbedala iyo magacyo ay dadku ku wareereen. Nooca cusub ee Omicron loo bixiyay ayaa hadda si weyn dunida ugu faafay...
Waxaan toddobaadkan marti ku ah Barnaamijka Qoyska Fartuun Abuukar Sankuus oo laba sano ka hor carruurteeda ka rartay Gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka una guurtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, balse hadda dib ugu soo noqotay isla gobolkii ay 2 sano hor ka guurtay.
Waalidiinta Soomaalida ah ee ku nool waddamada Yurub, America, iyo Australia, ayaa qaarkood carruurta ula guura dalalka Africa iyo kuwa islaamka, iyagoo rajo ka qaba in ilmahooda ay u helaan barbaarin ku saleysan hab waafaqsan diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Kuwo kale