Maxkamad ku taalla Sweden ayaa Jimcaha maanta ah xukun saddex sano iyo saddex bilood xabsi ah ku riday nin lagu helay inuu ku biiray kooxda Daacish (IS), taasoo ka dhigaysa kiiskii ugu horreeyay ee lagu xukumo ka mid noqoshada koox argagixiso tan iyo markii la meel mariyay sharci cusub.
Booliska Jarmalka ayaa sheegay in ninka Afgaaniga ah ee looga shakisan yahay inuu gaari ku jiiray dad ku sugnaa magaalada Munich laga yaabo inuu lahaa ujeeddooyin xagjirnimo Islaami ah.
Imaaraadka Carabta ayaa u sheegay Mareykanka in uu dalkaasi doonayo in uu martigeliyo wadahadallo lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine, wadahadalladaasi oo ugu dambeyntii keeni kara shir madaxeed nabadeed oo dhexmara madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku boorriyay dowladda ku meel gaarka ah ee Suuriya in ay la shaqeyso isbahaysiga uu Mareykanku hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxaha xagjirka ah ee gobolkaasi, isagoo martigeliyay shir looga hadlayay mustaqbalka dalkan ku yaalla Bariga Dhexe.
Ugu yaraan 20 qof ayaa dhaawacmay kadib markii gaari uu ku jiiray dad isugu soo baxay magaalada Munich Khamiista maanta ah sida ay boolisku sheegeen, xilli magaalada koonfureed ee Jarmalka ay isu diyaarineyso shir ammaan oo heer sare ah.
Xamas ayaa Khamiista maanta ah ku dhawaaqday in ay sii dayn doonto saddex qof oo Israa’iili ah sida qorshuhu ahaa, taasoo xal u horseedi karta muran weyn oo hareeyay xabbad-joojinta ka jirta Marinka Gaza.
Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil ayaa Arbacadii wacad ku maray in caddaab daran oodda laga qaadi doono haddii Xamaas ay ku guul-darraysato sii-deynta la-haystayaasha dhammaadka toddobaadkan.
Dowladda Britain ayaa Arbacadan sheegtay inay adkeynayso sharciyada socdaalka, si ay uga dhigto mid ku dhowaad aan suurtagal ahayn in muhaajiriinta sharci la’aanta ah ee doonyaha yaryar kusoo gala ay mustaqbalka helaan dhalashada ama muwaadannimada British-ka.
Suuriya waxay yeelan doontaa xukuumad cusub bisha soo socota, waxaa sidaas sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Asaad al-Shaibani Arbacada, iyadoo maamul ku-meel-gaar ah uu talada hayey tan iyo markii Bashar al-Assad la afgembiyey.
Saraakiisha ururka Xamaas ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay Isniintii shalay jebisay heshiiskii xabbad-joojinta ee ay horey u gaareen.
Kuwo kale