Jamhuuriyiinta ayaa Arbacadii lagu dhowaaqay in ay ku guuleysteen aqlabiyadda Aqalka Wakiilada Mareykanka, ayaga oo dhameystiray isku mar ay kula wareegeen awoodda Aqalka Cad iyo Congress-ka Mareykanka, una gacan gelinaya madaxweynaha cusub Donald Trump awood sharci-dejin.
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay xubno cusub oo ka tirsan maamulkiisa cusub, waxaana la filayaa in Senator Marco Rubio uu u doorto xoghayaha arrimaha dibadda.
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu u magacaabo Senetor-ka gobolka Florida Marco Rubio inuu noqdo xoghayaha arrimaha dibadda, waxaa sidaas habeenkii Isniinta weriyey wargeyska New York Times.
Donald Trump ayaa ku guulaystay gobolka Arizona doorashadii madaxtinimada ee dhacday todobaadkan, taasi oo ka dhigan inuu wada helay dhammaan toddobadii gobol ee codkoodu uu guurguuro. Waxaa faah-faahinaya Cabdixakiim Shirwca.
Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuleystay gacan ku haynta Aqalka Senate-ka Mareykanka, taasi oo guul weyn siin doonta madaxweynaha la doortay Donald Trump si uu u meel-mariyo ajendayaashisa muhiimka ah. Weriyaha VOA Katherine Gypson ayaa warbixintan diyaarisay. Axmed Cali Sheikh ayaa soo jeedinaya.
Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ajandihiisa ololaha doorashada waxaa ugu weynaa arrinta socdaalka, isaga oo ballan qaaday in uu soo rogi doono wax uu ugu yeeray "amar aan horey loo arag" oo dhinaca xudduudda koonfureed ee dalkan ah.
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Kamala Harris oo looga adkaaday doorashadii Talaadadii dhacday ayaa taageerayaasheeda iyo waliba dadkii u coddeeyay u sheegtay in aysan niyad jabin oo ay sii wadaan dadaalka ay ku doonayaan inay cadaallad helaan.
Dalka Canada wuxuu xiriir ganacsi iyo mid xuduud oo aad u ballaaran la leeyahay Mareykanka. Dadka Canadian-ka ahna waxay isha ku hayeen doorashada madaxtinnimada oo uu ku guuleystay Donald Trump.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale dib loogu doortay xilkaas, kadib doorasho adag oo Talaadadii ka dhacday dalka, isaga oo ka guuleystay madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris.
Qaar ka mid ah shacabka Nairobi ayaa aragtidooda ka dhiibtay guusha Donald Trump ee doorashada madaxweynaha Mareykanka.
Kuwo kale