Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad kala guur ah, waxaana xaaladda amniga laga muujinayaa walaac kadib markii kooxda Alshabaab ay weerartay xarunta aadka amnigeeda loo ilaaliyo ee Xalane oo ay deganyihiin safaaradaha reer galbeedka.
Ugu yaraan 50 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhintyeen qaraxyo todobaadkaan ka dhacay magaalooyinka Baladweyne iyo Muqdisho, kuwaas oo ay aad uga argagagaxeen dadka Soomaalida iyo caakamka intaba.
Agaasimiii hore ee hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsuggida ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ku sugan magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in qaraxii xalay lagu dilay xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi uu ahaa mid siyaasadeysan oo la qorsheeyay.
Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa saakay degan, kadib markii xalay fiidkii ay laba qarax ay ka dhaceen, islamarkaana ay ku dhinteen dad badan oo ay kamid aheyd xildhibaan Aamina Maxamed oo kamid aheyd murashaxiinta halkaasi doorashada u joogay.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhoweeyey xil ka qaadista uu madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ku sameeyey guddoomiyihii guddiga doorashada maamulka HirShabeelle (SEIT) Axmed Xasan Diini.
Madaxweynaha Hirshabellee Cali Guudlaawe ayaa xilka ka qaaday guddomiyaha guddiga doorashada Hirshabelle Axmed Xasan Diini, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada maamulkaas Axadda maanta ah.
Laba kursi oo ka mid ahaa doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee ku hartay magaalada Kismaayo ayaa xalay ka dhacday Kismayo, iyadoo heer gabagabo ah ay mareyso doorashada kuraasta ku harsan magaaladaas.
Waxaa soo baxaya khilaaf cusub oo ku saabsan xilliga la dhaarinayo xildhibaanada cusub, ayada oo guddiga doorashada uu waqtiyeeyey 14-ka April, balse ay taas ku gacan sayreen qaar ka mid ah maamul goboleedyada.
Dowladda Mareykanka ayaa ballaarisay tirada dadka Soomaalida ah ee lagu soo rogay xayiraadaha fiisaha, kuwaas oo lagu eedeeyay wiiqista hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya, sida uu ku dhawaaqay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken Arbacadii shalay.
Isimada dhaqanka ee ka mid ah beelaha dega Mudug ee deegaan doorashaddodu tahay Garowe ayaa go’aan kasoo saaray kuraasta beshaas ee Hop198 iyo Hop 199.
Golaha Midowga Musharraxiinta Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhowaynayaan jadwalka dhammaystirka doorashooyinka 2020/22 ee ay soo saareen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT).
Kuwo kale