Barnaamijka waxaa marti ku ah Sheikh Cabdiraxmaan Bashiir oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed, waxaana isaga oo jooga dalka Canada uu ka jawaabayaa su’aalaha VOA iyo qaar ka mid ah dhageystayaasheeda.
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha waxa uu todobaadkan ku saabsan yahay dhibaatada haysata qaar ka mid ah waalidka Soomaaliyeed ee ku nool dalal ka mid ah ah Yurub, kuwaasi oo eedo loo jeediyo darteed loogala wareego ubadkooda.
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha waxaa marti ku ah Dr. Maxamuud Daahir oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada guud kana howl-gala gobolka Mennesota ee dalka Mareykanka.
Barnaamijka Wicitaanka maanta waxaa marti ku ah Dr. Maxamed Maxamuud Cali Fuji oo ka tirsan guddiga la dagaallanka iyo xakameynta cudurka COVID-19 ee Soomaaliya. Dr. Fuji ayaa ka jawaabaya su’aalaha VOA iyo dhageystayaasha qaar ee ku saabsan kiisaska sii kordhaya ee Coronavirus ee Soomaaliya.
Barnaamijka Wicitaanka maanta waxaa marti ku ah Dr. Cali Maxamuud Xasan (Sheekh Cali Wajiis) oo ka tirsan hay'adda culimada Soomaaliyeed, isaga oo ka jawaabaya su'aalo ku saabsan sida Ramadanka sanadkani uga duwan yahay kuwii xiliyada caadiga ah
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha, wuxuu ku saabsanyahay sicir kordhinta ganacsatada Soomaalidu ay ku sameeyeen qiimaha lagu iibsado badeecada, gaar ahaan raashinka. Waxaa barnaamijka marti ku ah Cabdi Abshir Dhoorre oo ah Agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya.
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha, wuxuu ku saabsanyahay dedaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xakameynta cudurka Coronavirus. Ilaa 2 qof ayaa inta la ogyahay cudurkan ugu geeriyooday Soomaaliya iyadoo 21 qofna la xaqiijiyey in cudurka laga helay.
Barnaamijka Wicitaanka dhageystaha, wuxuu ku saabsanyahay saameynta dhaqaale ee uu Coronavirus ku yeeshay dhaqaalaha caalamka.
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha, waxaa marti ku ah todobaadkaan, Dr. Cabdiqani Cusman Yusuf oo ka howlgala dalka Ingiriiska. Waxaa soo jeedineysa barnaamijka, Sahra Cabdi Axmed.
Kuwo kale