Barnaamijka Bandhigga VOA waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay dhaqamada iyo caadooyinka la socda Maalinta Thanksgiving loo yaqaan ee dalka Mareykanka looga dabbaal dego sanad kasta, Khamiista ugu dambeysay bisha November.
Tirada dadka lagu dilay dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Suudaan ayaa aad uga badan tiradii markii hore loo maleynayay, sida lagu sheegay cilmi-baaris cusub.
Allah ha u naxariistee, waxaa Talaadadi shalay lagu aasay qabuuraha Muslimiinta ee Gobolka Virginia, General Maxamed Saalax Sayid Axmed, oo ka mid ahaa jeneraaladii dowladdii hore ee Soomaaliya, kaasi oo geeriyooday Isniintii.
Barnaamijka Ileyska VOA waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay madaxtinimada Donald Trump iyo siyaasaddiisa arriamaha dibadde ee ku aadan Bariga Dhexe iyo Africa.
Senator Chris Van Hollen ayaa qoray sharci raadinaya in la hakiyo hubka Mareykanka uu ka iibiyo Imaaraadka Carabta illaa Washington ay ka xaqiijineyso in Abu Dhabi aysan hubeyn kooxda Dacmu Sariic ama Gurmadka Deg-degga ah ee Suudaan.
Koofurta Gobolka Texas ayaa weli ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee ay u socdaalaan carruurta ka yar 18 sano jirka ee soo gala Maraykanka iyagoo aan haysan dokumentiyo sharci ah ama qof weyn oo la socda.
Shirkadda Adani Group ee India ayaa Khamiista maanta ah “kuwa aan sal iyo raad toona lahayn” ku tilmaantay eedeymaha Mareykanka ee ah in maal-qabeenkooda aas-aasay Gautam Adani uu bixiyay in ka badan $250 milyan oo laaluush ah.
Madaxweynaha dooran ee Mareykanka Donald Trump ayaa marka uu xafiiska la wareego muddo xileedkiisa labaad bisha January, waxaa laba ka mid ah taageerayaashiisa ugu muhiimsan ay hormuud u noqon doonaan howl cusub oo loogu talagalay in lagu dhimo kharashka dowladda laguna horumariyo waxqabadkeeda.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Axaddii shalay booqasho taariikhi ah ku tegay dalka Brazil, isaga oo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee isaga oo xilka haya booqda kaynta Amazon.
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa maalmahan magacaabayey qaar ka mid ah xubnaha golahiisa wasiirrada ee soo socda. Qaarkood ayaa durbaba laga dayriyay firkadahooda siyaasadeed ee ku adag dadka soo-galootiga ah.
Jamhuuriyiinta ayaa Arbacadii lagu dhowaaqay in ay ku guuleysteen aqlabiyadda Aqalka Wakiilada Mareykanka, ayaga oo dhameystiray isku mar ay kula wareegeen awoodda Aqalka Cad iyo Congress-ka Mareykanka, una gacan gelinaya madaxweynaha cusub Donald Trump awood sharci-dejin.
Kuwo kale