Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii sheegay in uu doonayo in sarkaal hore oo ka tirsanaa Waaxda Ammaanka Qaranka, isla-markaana ah nin Trump daacad u ah, Kash Patel in uu noqdo Agaasimaha hay'adda FBI-da.
Booqashada Biden ayaa diiradda lagu saarayay mashruuca horumarinta ee Mareykanku maalgeliyey ee Jidka Tareenka ee loo yaqaan (Lobito rail corridor). Mashruucan Dhabaha Tareenka oo dhererkiisu yahay 1,300 km wuxuu isku xiraa gobollo hodan ku ah macdanta oo ku yaalla gudaha Afrika iyo deked muhiim ah
Saddex muwaadin oo Mareykan ah oo muddo sanado ah ku xirnaa dalka Shiinaha ayaa habeen hore soo gaaray Mareykanka, taasi oo qeyb ka ahayd heshiis maxaabiis is isku beddalasho ah oo dhex-maray Washington iyo Beijing.
Barnaamijka Bandhigga VOA waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay dhaqamada iyo caadooyinka la socda Maalinta Thanksgiving loo yaqaan ee dalka Mareykanka looga dabbaal dego sanad kasta, Khamiista ugu dambeysay bisha November.
Tirada dadka lagu dilay dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Suudaan ayaa aad uga badan tiradii markii hore loo maleynayay, sida lagu sheegay cilmi-baaris cusub.
Allah ha u naxariistee, waxaa Talaadadi shalay lagu aasay qabuuraha Muslimiinta ee Gobolka Virginia, General Maxamed Saalax Sayid Axmed, oo ka mid ahaa jeneraaladii dowladdii hore ee Soomaaliya, kaasi oo geeriyooday Isniintii.
Barnaamijka Ileyska VOA waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay madaxtinimada Donald Trump iyo siyaasaddiisa arriamaha dibadde ee ku aadan Bariga Dhexe iyo Africa.
Senator Chris Van Hollen ayaa qoray sharci raadinaya in la hakiyo hubka Mareykanka uu ka iibiyo Imaaraadka Carabta illaa Washington ay ka xaqiijineyso in Abu Dhabi aysan hubeyn kooxda Dacmu Sariic ama Gurmadka Deg-degga ah ee Suudaan.
Koofurta Gobolka Texas ayaa weli ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee ay u socdaalaan carruurta ka yar 18 sano jirka ee soo gala Maraykanka iyagoo aan haysan dokumentiyo sharci ah ama qof weyn oo la socda.
Shirkadda Adani Group ee India ayaa Khamiista maanta ah “kuwa aan sal iyo raad toona lahayn” ku tilmaantay eedeymaha Mareykanka ee ah in maal-qabeenkooda aas-aasay Gautam Adani uu bixiyay in ka badan $250 milyan oo laaluush ah.
Madaxweynaha dooran ee Mareykanka Donald Trump ayaa marka uu xafiiska la wareego muddo xileedkiisa labaad bisha January, waxaa laba ka mid ah taageerayaashiisa ugu muhiimsan ay hormuud u noqon doonaan howl cusub oo loogu talagalay in lagu dhimo kharashka dowladda laguna horumariyo waxqabadkeeda.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Axaddii shalay booqasho taariikhi ah ku tegay dalka Brazil, isaga oo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee isaga oo xilka haya booqda kaynta Amazon.
Kuwo kale