Ciidamada AMISOM iyo DKMG ayaa weerar ay saaka qaadeen kooxda Al-Shabaab ka qabsaday saldhigyo ku yaalla Yaaqshid iyo Deyniile.
Oxfam iyo Save the Children ayaa sheegay in dadkii ku dhintay abaarta Geeska Afrika ay ugu wacnayd gar-gaarka oo lagala daahay dadkaasi.
Prof. Cali Khaliif ayaa difaacay shirka Taleex oo u sheegay in beesha gobollada SSC ay ku dhisteen maamul ka madax banaan Somaliland.
Barnaamijka Martida waxaa toddobaadkan marti ku ah Saciid Saalax Axmed oo ah barre luqadda Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Minnesota.
Shirkaddaha xawaaladaha Minnesota ayaa si gaabis u bilaabay dirista lacagaha kaddib markii muddo 2 toddobaad ah ay xirnaayeen.
Dowladda Djibouti ayaa beenisay in ciidankeeda Muqdisho ku sugan ay ka danbeeyeen duqeyn dhimasho dhalisay oo lala beegsaday masjid.
IGAD ayaa canbaareysay doorashada qaar katirsan xildhibaannada baarlamaanku ay Madoobe Nuunow ugu doorteen guddoomiye cusub.
Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa maanta laba jeer duqeeyey meel u dhaxeysa Garbaharey iyo Ceel-cadde ee gobolka Gedo.
Khilaafka ayaa sii xooggeysanaya. DKMG ayaa sharci darro ku tilmaamtay guddoomiyaha cusub balse xildhibaanada doortay ayaa arrintaasi di
R/W C/weli Gaas ayaa sheegay in dastuurka la ansixin doono 22-ka May, sidoo kalena 15-ka June baarlamaanka cusub lasoo dooran doono.
Mweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale ayaa ka hadlay khilaafka UDUB isagoo diiday magacaabista musharaxa madaxweynenimo ee UDUB.
Ciidamada huwanta ah ee qabsaday Beledweyne ayaa bandow magaalada ku soo rogay, waxaana la joojiyay dhaq-dhaqaaqa iyo isu-socodka.
Barnaamijka Martida waxaa maanta ka qeybgalaya Afhayeenka guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda Somaliland Xasan Axmed Ducaale.
Xawaaladaha Minnesota ayaa maanta si rasmi ah shaqadii u joojiyay kaddib markii bangiga Franklin uu hakiyay wadashaqeyntii xawaaladaha.
Xiisad ayaa ka jirta xerada Hagardher kaddib markii niman hubeysan ay toogasho ku dileen mid ka mid mas'uuliyiinta qaxootiga Soomaalida.
Mid ka tirsan shaqaalaha hay'adda MSF ayaa la dilay, iyadoo mid kalena la dhaawacay kaddib weerar lagu qaaday xafiiskooda Muqdisho.
Hoggamiyihii hore ee Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta lagu aasay Pyongyang. Munaasabadda aaskiisa waxaa hadheedhay baraf maanta da'ayay.
Ciidamada Somaliland ayaa sheegay inay maanta fashiliyeen qarax lala damacsanaa buundada cusub ee ku taalla magaalada Hargeysa.
Maxkamad ku taalla Ethiopia ayaa min 11 sanno oo xadhig ah ku xukuntay laba weriye oo Swedish ah oo lagu eedeeyay inay taageeraan ONLF.
Xasan Cabdi Nuur (Aalbaro) oo ka tirsan baarlamaanka ayaa lugta laga dhaawacay kaddib markii rasaas lagu furay baabuur uu saarnaa.
Kuwo kale