Washington — Barnaamijka Caweyska Washington waxaad toddobkaan ku maqli doontaan wareysi uu barnaamijka siiyay Dhaqan-yaqaan Maxamed Sh. Xassan Libin-side. Waxaa soo saartay soona jeedinaysa Caasha Ibraahim Aaden (Caasha Cuud).
Barnaamijka Martida Makrafoonka waxa uu ku saabsan yahay Xaaladda Marinka Gaza iyo Mustaqbalka Kooxda Xamaas. Waxaa Barnaamijka marti ku ah Mustafa Shiikh Aadan Aamin oo ah suxufi falanqeeya arrimaha caalamka. Waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Xuseen Barre Aadan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dalka ay ka qaban doonaan doorasho dadweyne mudda ka badan 55 sano ka dib. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay fadhi labada aqal ee baarlamaanka ay maanta ku yeesheen Villa Hargeysa oo uu madaxweynuhu furayay.
Ku soo dhowaada Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee VOA waxaana toddobaadkan soo jeedinaya Nuur Xassan Nuur (Bukhaari).
Barnaamijkii dhacdooyinka toddobaadka waxaa ku jira warbixino iyo fallanqeyno ku saabsan wararkii ugu weynaa ee toddobaadka ee Soomaaliya iyo caalamka. Waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Maxamed Mursal (Samakaab).
Maamulka Puntland ayaa ka hadlay hadal ay dowladda federaalka Soomaaliya ku sheegtay in Puntland ay diiday in ay dowladdu ka caawiso dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish-ta Soomaaliya ee ka dagaallameysa deegaannada Puntland.
Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay dagaalka ay Puntland kula jirto maleeshiyada Daacish iyo doorka dowladda federaalka.
Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay siyaadaysay dhammaan wixii barnaamijyo horumarineed, dhaqaale, iyo kaalmooyin ah ee Jubbaland xaqa u lahayd, kuwaasoo ay bixiyaan dalalka deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah.
Al-Shabaab ayaa saaka waaberigii weerar culus ku qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo xoogagga deegaanka ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dagaallada ayaa lagu soo warramayaa inay gaysteen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inay awoodda dib ugu celinayso shacabka, ayna qabanayso doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tilmaantay mid caddaalad ah, xilli mucaaradku su’aal gelinayaan qabsoomidda doorashada iyo hannaanka ay Villa Somalia u marayso.
Kuwo kale