Guddoomiyaha Guddiga doorashada heer Federal Muuse Geelle iyo wafgi uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo ay u tageen xallinta khilaafka ka taagan doorashada saddex ka mid ah kuraasta Baarlamaanka oo dib loo celiyay, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay guddiga FEIT.
Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray ku xaqiijiyey in dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamanka oo la qorsheeyey 14-ka bishan April ay u dhici doonto sida loo qorsheeyey.
Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo la hadlayay xalay xildhibanadii dhawaan lagu doortay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Soomaaliya aysan doorasho ka dhaceynin ilaa la doorto kuraasta 16-ka ah ee deegaan doorashada labaad ee Garbahaarey.
Guddiga doorashooyinka oo shahaadooyin siiyey ilaa 204 xildhibaan ayaa sheegay in ay ku guda jiraan qaban qaabada munaasabadda dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka oo dhaceysa 14-ka April.
Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS ayaa sheegay in xayiraadda lagu soo rogay xerada Xalane aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya.
Guddiga doorashada heer Federaal ayaa soo saaray liiska mudaneyaasha ka tirsan baarlamaanka 11-aad ee ilaa iyo hadda qaatay shahaada xildhibaannimo, xilli afar maalmood ay ka harsan yihiin wakhtigii dhaarinta xildhibaannada sida uu dhigayo jadwalka dhammeystira doorashada ee dhawaan la faafiyay.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo ka hadlay kulan ka dhacay Baydhaba ayaa dhaleeceeyey guddiga doorashada iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooblee.
Guddigga doorashada heer federal ee FEIT ayaa maalintii shanaad shahaadooyinka xildhibaanimo siiyay qaar ka mid ah xubnaha labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya.
Guddiga doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya (FEIT) ayaa sheegay inay go’aamiyeen in dib loogu laabto doorashada afar kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.
Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ugu baaqday madaxweynayaasha maamul goboleedyada HirShabeelle iyo Jubaland inay soo dhameystiraan doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka.
Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku bogaadiyey in la doortay 91 boqolkiiba xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya, taasi oo ay ku qeexeen “dardar aan la joojin karin si loo dhamaystiro kuraasta harsan si dhakhso leh.”
Guddiga doorashada heer federaal ayaa bilaabay bixinta shahaadada Xildhibaannada la soo doortay ee labada aqal. Xildhibaanadii ugu horeeyay ayaa maanta qaatay shahaadada. Gguddiga ayaa dhawaan sii daayay liis laga reebay 4 kursi oo mid ka mid ah uu ku soo baxay Fahad Yaasiin.
Kuwo kale