Magaalada Muqdisho waxaa ka socda is-diiwaan gelinta xubnaha murashixiinta u tartamaya hoggaanka labada aqal ee baarlamanka federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan Sareedo Mohamed Abdalla ayaa ku guuleysatay doorashada ku celiska aheyd ee kursiga Hop154, kaddib markii ay u tanaasushay Nasteexo Maxamed Yuusuf oo ku Tartamaya kursigan, waxaan qaab gacan taag ah ku ansixiyay ergada doorashada kursigan.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo ah la-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay inuu ixtiraamayo qaraarka ay Maxkamadda Sare ee Soomaaliya maanta diiday inay qaaddo dacwadda kursiga Golaha Shacabka ee HOP086 ee uu kusoo baxay la-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin.
Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa warqad ay soo saareen ku sheegay in Maxkamadda Sare ay iska diiday qaadista dacwadda uu talihii hore ee hey’adda Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin ka gudbiyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee ku saabsanayd kursiga HOP086.
Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa diiday inay qaaddo dhageysiga dacwadda kursiga Golaha Shacabka ee HOP086 ee uu kusoo baxay la-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin.
Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta u fadhiistay dacwadda kursiga tirsigiisu yahay HOP086 kaasi oo la sheegay inuu ku soo baxay La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Fahad Yaasiin, balse guddiga Doorashada heer federaal ay laaleen.
Tiro madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa maanta lagu weeraray xarunta baarlamanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho xilli ay kulan ku lahaayeen xildhibaanada labada Aqal.
Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey jadwalka iyo habraaca doorashada guddoonka golaha shacabka iyo Aqalka Sare kadib kulan wadajir ah oo ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Doorashada Kursigii uu dhawaan ka geeriyooday Allah ha u maxariistee Xildhibaan Maxamuud Maxamed Cumar Kuuloow ayaa saaka lagu qabtay magaalada Kismaayo.
Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxaan ku eegeynaa waxa dhaarinta xildhibaanada cusub ee labada Aqal dhigan tahay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.
Dadka aqoonyahanka iyo bulshada Soomaalida ayaa niyad wanaag ka muujiyey hanaanka siyaasadda ee Soomaaliya, kadib dhaarintii xildhibaanada.
Xilli Khamiistii shalay la dhaariyay badi xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa waxaa xalay xildhibaan loogu doortay Maxamed Axmed Axmed Beerrey oo ku guulaystay kursiga tirsigiisa yahay HOP024.
Kuwo kale