Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa maanta oo Talaado ah hortagay maxkamad ku taalla magaalada Tel Aviv, si uu markii ugu horreysay uga marqaati furo kiiskiisa musuq-maasuqa.
Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa raadinaya habab uu kula macaamilo kooxaha mucaraadka Suuriya ee xukunka ka tuuray madaxweyne Bashar al-Assad, wuxuuna la xiriiray saaxiibada gobolka sida Turkiga si ay gacan uga geystaan billaabista diblomaasiyad aan rasmi ahayn.
Kadib Markii Axadddii la soo dhaafay xukunka laga tuuray hogaamiyihii muddada dheer ka talinayay Suuriya ee Bashar Al-Assad, Israa'iil ayaa la wareegtay aagga ciidamada ka caaggan ee buuraleyda Golan, waxayna weerartay warshadaha hubka ee ku dhow Dimishiq.
Booliska Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday, islamarkaana xiray ugu yaraan saddex qof Talaadada maanta ah, iyadoo boqolaal qof ay ka mudaaharaadayeen mowjado dilal ka dhan ah haweenka ah, sida ay sheegeen dadka u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadanaha.
Madaxweynaha talada ka sii degaya ee Mareykanka Joe Biden iyo Madaxweynaha la doortay Donald Trump ayaa Axaddii shalay ka falceliyey burburka nidaamkii Madaxweynihii muddada dheer xukumayay Syria ee Bashar al-Assad.
Militariga Israa’iil ayaa Isniinta maanta ah sheegay in afar askari lagu dilay koonfurta Lubnaan, taasi oo ah dhimashadii ugu horreysay ee laga sheego aaggaas tan iyo markii ay billaabatay xabbad joojinta Xizbullah, ku dhowaad laba toddobaad ka hor.
Kooxda mucaaradka Suuriya ayaa Axaddii sheegtay inay soo afjareen xukunkii Bashar Al-Assad oo dalkaasi muddo dheer kasoo talinaayey, kaddib marki ay qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.
Dadweyne badan ayaa jidadka isugu soo baxay si ay ugu dabaal degaan dhicitaanka qoyska al-Assad oo dalkaasi muddo konton sanno ah xukun adag ku soo maamulayay.
Ilo-wareedyo ka tirsan kooxaha Falastiiniyiinta ah ee ku sugan Gaza ayaa sheegay Axadda maanta ah Xamaas ay u sheegtay inay ururiyaan xogta la haystayaasha ay haystaan si ay ugu diyaar garoobaan heshiis xabbad-joojin ah iyo sii-daynta la haystayaasha oo ay la galaan Israel.
Kuwo kale